Deyn haduu kugu raago   iyo diya

 Cusmaan
Ducaalle Daahir
 Minneapolis, Minnesota, USA.

Hooyaa qoys ku
dhisnaa waa maanso cusub oo aan ka tiriyey Shirweyne aad iyo aad
u qiima badnaa oo ay isugu yimaadeen Qaar ka mid ah dumarka
soomaaliyeed ee gobolka Minnesota oo 08/14/04 lagu Qabtay
jaamacada Minnesota qolkeeda shirarka ee Coffman memorial
Hall
. Shirkaas oo ay soo qaban qaabiyeen gabdho soomaaliyeed
oo Aqoonyahano ah oo ku kala takhasusay qaybaha kala duwan ee
Cilmiga, sida Caafimaadka, waxbarashada, iyo arimaha bulshda.
Waxaa looga hadlaayey loogana doodayey, si weyna loogu soo
Bandhigay sidii dumarkeena gaar ahaan hooyooyinkeen isu
Dareensiin lahaayeen dhibaatooyinka faraha badan ee qurbaha ku
Haysta ubadkeenii oo ahaa wixii ugu qaalisanaa ee aynu qurbaha
la Nimi, iyo burburka ku dhacay qoysaskii soomaaliyeed . Iyo
doorka looga baahan yahay Hooyada iyo guud ahaan Haweenkeena oo
ahaa kuwii saldhiga u ahaa sooyaalkii noloseena.

Shirkaas oo
iigu muuqday bilaw aad u fiican oo muujinaya bisayl Aqooneed oo
ay gaareen in badan oo ka mid ah dumarkeenu Iyadoo aan wada
ognahay in ay qaarkood nolosha qurbaha iyo imaatinka wadamadan
gaalad ka aaminsanaayeen fikrad Khaldan iyo iney jano cagaha soo
geliyeen. Anigoo ahaa ninka keliya ee lagu casumay shirkaas oo
igu abuuray Rajo iyo nayaayiro aan ka qabo mustaqbalka dadka
soomaaliyeed Ee qarbiga iyo maraykan ku dhibaataysan.

Waxaan isku
deyey inaan haweenkii shirkaas isugu yimi xusuusiyo Kaalintii
hooyadu ku lahayd jiritaanka mujtamaceena, iyo doorka looga
baahan yahay meeshan iyo marxaldan adag ee aynu joogno. Anigoo
tix iyo tiraaba ugu faah faahiyey maansadan,

Qiyamkii nolosheenaay
………….. Saldhigii Qarankeenay

  • Quwaddii
    bulshadeena  …………. Qaabada tii u ahayd

  • Quruxdii
    sharafeena …………….. Iyo qaydkii aan huwanayney

  • Qaayihii guryaheena
    ……………. Iyo qotonkuu ku dhisnaay

  •  

  • Qodob wayga
    tilmaan ………….. Tusaalayn qara weyn

  • Qodobna waa
    quman hooyo …… Taariikhdeena qadiim ah             

  • Qaybtii ay ku
    lahayd ……………. Qodobna waa Taladayda

  • Qasaaraa ina gaadhey
    …………. Iyo sidaan qiil ku helayno

  •  

  • Qodob wayga tusaal
    ……………. Hawshii aan qorshaheeda

  • Qabanqaabo
    bilawga ……………. Qaabkeeda aan la hagaajin

  • Qabyuun bay ku idlaan

  •   

  • Marka aadmigu
    qooqo …………… Qoorta uu kor u taago

  • Rabigii qiri
    waayo ………………… Qabar eebe xagiis ah           

  • Iyo qalad baa
    ku dhacaysa.


  •                 

  • Bulshadii kala
    qaybsanee ……….. Qabiil loo kala saaro

  • Qalalaase
    colaad …………………. Iyagoo is qandoofa        

  • Iyo Qayladeed ma dhamaato   


  •                                                        

  • Walaalihii is
    qalaaya …………….. Qaatiyaan kala jooga       

  • Iyagoo kala
    qaarma …………….. Oo cadawgood u qabaana         

  • Iyo qoomamaa u danbaysa.

  •  

  • Umadaan Quwadeeda
    …………… Iyo quluubtoodu is haysan

  • Qayrkood ay la
    sinmaan . ……….. Iyo qaran loogama yaabo 

  • Qaa,idkeedu ma tooso.   

  •  

  • Qormadii
    wadankiisa ……………… Iyo qolqolkii qof ka guuray

  • Shisheeye uu ka
    qaloodo ………… Isagoo qadar beela 

  • Iyo qoqobnaan huri mayo.

  • Dad qaxooti
    noqdaana ……………. Nolol ay qawedaan

  • Sharaftoo laga
    qaado …………….. Quudhsi ay la kulmaan

  • Waqood way qayiraan .

  •  

  • Ruuxay qaaxo ku
    raagtey ………. Isna waa qufacaa

  • Nimuu qaamud
    wedkiisii …………. Qudhu ay ka baxaysona 

  • Qosol loogama yaabo.  


  •                                                                

  • Nimuu qaatay
    ibleys …………….. Oo qoladiisa ku biiray

  • Qaalalaahu
    tacaala ……………… Iyo qunuudi soo celin mayso

  • Quraan kaama dhegaysto.

  •                          

  • Tusaalaa
    qalinkayga …………….. Iyo qiiradu yaanay I jiidane

  • Quruun qoonka hogaan
    xun …….. Iyo qoyska hooyo qaloocan

  • Iyagoo hana qaad
    iyo …………… Iyo qumanaan ha ka eegi

  • Oo waa kuwii qalibma.         

  •  

  • Qaadiraw ha
    cadaabine ………….. Qodona waa quman hooyo

  • Qiimahay naga
    joogtey …………… Iyo waxay noo qabatay

  • Qalcadaan
    deganayn ……………… Iyo gurigii qaydka
    adkaa                                                  

  • Hooyadaa
    qorshahooda …………… Iyo qubanaa lagu dayray

  • Qobtolkii
    dugsiyaayey …………….. Qotonkiisa ahaydoo

  • Hooyaa qoys ku dhisnaa.

  •  

  • Gabadh qaaya
    wanaagsan ……….. Oo rabigay qurux siiyey oo

  • Ragu qaalmaha
    geela ……………… Qorigii faraskii iyo

  • Qaniimadiisa
    ka dhiibo …………….. Iyo qalanjay mar ahayd

  • Marwo gaariya
    qaali ……………….. Qadaf ceeb ka xishoota 

  • Qawl ninkeeda
    adeecda ………….. Qaderisayna ahaydoo

  • Hooya qoys ku dhisna

  •  

  • Qurbaceena
    dhalaanka ……………. Mar ay uurka ku qaado

  • Walaca ay
    qayirnaatoo ……………. Quudka ay dejin waydo

  • Qandho fooshiyo
    xanuunka ……….. Oo qabriga ay ku dhowaato

  • Qoontii
    damqanaysa ……………….. Weli kaarki qaboobin

  • Horaadkaay qudh
    qudhsiiso ……….. Iyo Qalbigay gelisaa .

  •  

  • Sidii qaariga
    shiikha ………………… Qul acuudu Billaah

  • Ilaahay kuma
    qaado ……………….. Qaadirkeen u bar yeyso

  • Oo hadalka qawlka
    wanaagsan …… Iyo qiyamkii muslimiinta 

  • qawaaniinta
    baraysoo………………. Ababintiisa Qalooc 

  • Iyo qalad ay
    tiraysoo ……………… Ilaa uu ka tis qaadoo

  • Qaangaadh uu kor u
    dhaafo ………. Qodaxda ay ka guraysoo 

  •  Hooyaa qoys ku dhisnaa.

  •  

  • Qaniimadeena
    dhaqaale ……………. Qawsaarkeena ilaasha

  • Iyo qasnaji bay u
    ahaydoo ………..  Aqalkay qalabkiisa 

  • Iyo qabya tirkiisa
    lahayd …………… Quudka noo karinaysoo

  • Iyadoo qatan
    bay ………………….. Qasaalaysay
    dharkeena                

  • Hooyaa qoys ku
    dhisnaa.                

  •  

  • Qawleystii
    isticmaarka ……………. Dagaalkii lagu qaaday

  • Iyo qumanaw
    calankii …………….. Qorigii lagu keenay

  • Wixii dhiig
    qulqulaayiyo …………… Markii qayladu yeedhay  

  • Bambaday
    qarxinaysoo …………… Qudha oo laga gooyo

  • Iyo qisaas bay
    u badheedhoo …… Dahabkii qoorta sudhnaa        

  • Iyo qadhaankay
    bixinasoo ……….. Dhismihii qarankeena             

  • Qabri bay u gashay.

  •  

  • Dhidar iilka
    qodaa …………………. Qudhun buu u dhacaaye

  • Intaan qaatumo seegnee
    …………  Qiyamkii diinta islaamka

  • Qumaati aan uga
    baydhnee ……… Qalalaasaha taagan iyo

  • Sokeeyaa is
    qalaaya  …………….. Qabiil loo kala saaree

  • Nabadii qar ka
    tuuree …………….. Qayla dhaantu baxaysay

  • Qasaaraa ugu
    weyni  ……………..  Quman hooyo haween

  • Iyo dumarkuu 
    qabsadoo  ………… Hoobiyaa badhna qaatay

  • Badhna waa la
    qaafaashey ………. Oo qeedhiinkay ku cuneen

  •  

  • Badhna waa
    qaracmeenoo ………… waali bay qac yihiin

  • Badhna qoolal mareeg
    ……………… Qoqob bay ku jiraan

  • Oo ilmii bay
    qarafaysi ………………. Quud u raadinayeeno     

  • dilka qayb
    kama qaadan ……………  Ma qoor qeydan xumaane

  • Quwigoo nabad
    keena ……………… Iyo rajo ay kama
    quusan                 

  •  

  • Inteenii qurbe
    gaalo ……………….. Qaaradan N /Maraykan

  • Iyo qarbigii  gacal
    moodney ………. Ee isku dhiibay qaxooti

  • Mahada waa la
    qiraaye ……………. Inkastoon qarash kooban

  • Dadkeenii
    qaldhebaayey  ………….. Qayb yar aynu daboolay

  • Qaarkeena yeeshay
    aqoon ………..  Culuunta qaatay digriiyo .

  •  

  • Qurus waa la
    helaaye ……………… Qawga aynu ka duulay

  • Waxa qoomamo
    taagan ……………. Hooyo qaaya lahayd

  • Sharafteeda
    qarsoontay …………… Qadar beelka haleelay

  • Qumanaw
    dhaqankeenii ……………. Sida looga qaloocday

  • Qayla dhaanta
    baxaysa ……………. Bal indhaa qac ku siiya.

  •  

  • Intee qoys kala
    daatoo …………….. Usradii kala qaarmay

  • Intee baa ubad qaaq leh
    …………… sidii qoon naga gaara

  • Qawlkooda aan la
    fahmayn ………… qayirmoo naga leexday.

  • Intee qaawani doortoo
    ……………… Waxa daad qulqulaayiyo

  • Mawjaduu
    qarqiyeenoo ……………… Duul qalaad naga raacay.

  • Intee naag qolqol
    dhaaftay ………… Xayadii iska qaaday

  • Jinni qool ku
    kaxaystoo …………….. Qiimii hooyo lahayd iyo

  • Magacii ku
    qasaaroo ………………… Nin aan qaadi nikaax iyo 

  • Qodob aanu u
    hayn  ………………… Qol intay la degtey  

  • Tidhi waa I
    qabaayoo ……………….. Ku qobeysatey ceeb.


  •                   

  • Ogaadoo qaali
    haweenka …………… Qalad maan wada saarin

  • Ragaba qaar ka
    halaabo ……………. Qaribmey waa badan yihiine

  • Waxaan gaar ugu
    qaatay …………… Qoyska looma sinaynoo

  • Hooyadaa qudbi
    tiirsha  …………….. Iyo qotonkiisa ahayd.

  • Nabarka qoonta
    dilaacday ………….. Iyo qaladaa waxaa
    keenay,            

  •  

  • Quruun eebe
    rumaysan …………….. Oo qirsan baynu ahayne

  • Rabi baynu
    qilaafnay ………………… Oo qayaali baan ku jiraayo

  • Qurbihii baan jano
    moodney ………… Iimaankii baa na qafiifay

  • Qabrigii la
    gelaayey  …………………. Iyo qiyaamii baa la ilaawey

  • Oo ruux kastaa
    qushigii  …………….. Iyo qabkiisuu la dhaqaaqay

  • Aduunyaa na hor
    qaaday ……………. Sidii xoolo khiyaamo

  • Qarash loo heli
    laayoo ……………….. Qani loo noqon lahaa

  • Baa qalbigeenu
    jiraayuu ……………… Uu ku qoofalan yahay.

  •  

  • Murti baa lagu
    qeexay ……………….. Maah maaho aad u qadiim ah

  • laba qaawani
    aadmi  ………………….. Haweenow isma qaado.

  • Biyo ruux ku
    qobaysteyna …………… Iskama dhawro qoyaanka.      

  • Quud xun naag
    karisaana ……………. Iyaba way ku qadaa.

  • Qasdigaan uga jeedo
    …………………  Hooyadii qumanaydeey

  • Qawaamiinta
    ragii …………………….. Qudradii Rabi siiyey

  • Dumarkii
    qawedeen …………………..  Ee quudhsiga ay u
    arkeen                             

  • Qilaafka
    aabiyo hooyo  ………………. Iyo is qiimayn
    li,dooda                 

  • Qasaarii laga
    dheefay  ……………….. Bal qooraansada hooga  

  • Qamta hoos ka
    duleeshee  …………… Dhasheenii ku qubteen 

  • Talo waa qasan
    tahay  ………………. Qatar baanku jiraanaaye 

  • Miyeydaan
    qajilayn …………………… Inaba qiiro lahayn.

  •  

  • Muslinkii
    qatalmaa  …………………… Mar uun buu is qabtaay

  • Waxaan qiil u
    arkaa ………………….. Qaafir oon ka baqnoo.

  • Qorshihii
    bedlaa   …………………….  Khaas ahaan dumarku

  • Qaanac aad
    noqotaanoo ……………. Qiiyaamaa ka baqdaan,  

  • Wixii la isla
    qabto  ……………………  Ayaa khayr ku jiraaye. 

  • Nimankan qoor qabad
    taagan ………. Iyo qasab baan kugu saari

  • Qurux naag u
    qabtaay  …………….. Qurbacii ilmahaaga  

  • Qudhaadaad
    haligtoo  ………………  Qoomamaad ku danbayn.  

  • Quman hooyo
    Gabdhaw …………….. Qaladkaa iska waansha

  • Qabanqaabo
    shirkiina  ……………….  Khibradii dumarkeena 

  • Qabuul aan ku
    heshiino  …………….. Qaraar qoys ku dhismaa

  • Isu keen
    qabanaaya  ………………..  Inoo raadiya qiil.

  • Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *